Daawo Maamulka Dekadda Bosaso oo ka hadlay Xirnaanshaha Dekeda

Bosaso-[Puntland Post] Shir Jaraa’id oo goordhaweyd ay qabteen Wasiiro & Maamulka gobalka Barri ee dawladda Puntland ayaa looga hadlay xaaladda xirnaanshaha dekeda magaalada Boosaaso, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray cabashada ka soo yeeraysa qaar kamid ah ganacsatada Dekada wax kala soo daga.

Wasiirka dekadaha Puntland  Siciid Maxamed Raage ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya xirnaanshaha Dekada mudada ku dhow halka isbuuc

Siciid Maxamed Raage Wasiirka wasaradda Dekadaha Puntland ayaa beeniyey in ay dawlda iyo shirkada gacanata ku haysa mamaulka Dekad ay xireen Dekada waxana uu cadyey in arintasi ay san waxaba ka jirin.

Daawo  hadalka Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage.

Dhinaca kale ganacsatada qaarkood oo la hadlay saacadihii lasoo dhaafay warbahainta Puntland Post  waxay cadeeyeen in lagu soo kordhiyey lacago dheeraad ah oo ay ku dartay Shirkadda lagu wareejiyey ee P & O oo kana tirsan DP WORLD.

Bulshada Boosaaso ayaa si guud u dareemay xirnaashaha Dekada waxaana ay saameyn ku yeelatay dad badan oo garab xamaalato ahaa oo nolashoodu ku xirneyd Dekada Boosaso.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post – Bosaso