Dekada Bosaso oo mudo isbuuc ku dhow dhaqdhaqaqii ganacsi hakad ku jiro

Bosaso-[Puntland Post] Dekada magaalada Boosaaso oo ah Isha dhaaqalaha Puntland dhawaana lagu wareejiyey shirkada P&O Ports oo la sheegay in ay balaarin iyo dayactir ku sameynayso Dekada ayaa waxaa hakad galay  dhaqdhaqaaqii ganacsi ee ka socday Dekada mudo hal isbuuc ku dhow.

Warbaahinta Puntland Post xog ay helayso ayaa sheegaysa in hakadka ku yimid miciishadii ka soo dagi jirtay Dekada Boosaaso ay sabab u noqotay ka dib muran ka dhashay khidmado lacageed oo lagu soo rogay Doonyihii ku sooxiran jiray marsada Boosaaso.

Qaar kamid ah ganacsatada Dekada Boosaaso oo warbaahinta Puntland Post la hadlay waxa ay sheegeen in aysan awood u lahayn lacagahan ay ku soo rogtay shirkada gacanta ku haysa maamulka dekada Boosaaso.

“Doondii  ku soo xiranaysa Dekada Boosaaso ayaa bixinaysa lacag dhan $12,000 [labi iyo toban kun oo doolar], halkii horey looga qaadi jiray lacag ku dhaw $1,500 [kun iyo shan boqol oo doolar] oo anay ku jirin cashuurta u soo xeroota  Wasaaradda Maaliyada Puntland taasina awood u malihin in xiligan aan bixino lacagtan intaa le’eg’’ sidaas waxa Puntland Post u sheegay mid kamid ah ganacsatada wax kala soo dagta Dekada Boosaaso oo magaciisa qariyey.

Warbaahinta Puntland Post oo isku daydey in ay la hadasho masuuliyiinta Wasaaradda dekadaha Puntland ayeyna u suuro galin waxaana sida aanu xogta ku helayno socda kulamo u dhaxeeya ganacsatada iyo masuuliyiinta Dekada Boosaaso si xal looga gaaro xirnaashaha Dekada mudada ku dhow halka isbuuc.

Xamaaligii Dekada ayaa gabi aahaanba saaka bananka ka jooga Dekada mana jirto Dooni ku soo xiratay marsada Boosaso sidaas si le’eg wax shaqo ah  kama socdaan sida ay Puntland Post wararka ku helayno.

Bulshada Boosaaso ayaa si guud u dareemay xirnaashaha Dekada waxaana ay saameyn ku yeelatay dad badan oo garab xamaalato ahaa oo nolashoodu ku xirneyd Dekada Boosaso.

Wixii soo kordha kala soco Puntland Post insha allah .

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso