Muqdisho:-Mid ka mid ah raggii hubaysnaa oo isku qarxiyay ciidanka

Wararka Muqdisho laga helayo iminka oo ay beegan tahay saacadda Soomaaliya abaare saqdhexe 2:00 PM ayaa sheegaya inuu isku qarxiyay ciidanka mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee gudaha u galay Hotelka Naasa-hablood.
 
Ku dhawaad 10 ka mid ah ciidanka nabad sugida Alfa Group iyo sarkaal taliye u ahaa oo lagu magacaabo Guuleed ayaa dhintey ka dib markii uu iska soo tuurey dabaqa kore mid ka mid ah raggii hubaysnaa oo sida la sheegay isku qarxiyay xilli ay qaar ka mid ah ciidanku hoosjoogeen dhismaha hotelka sida uu u xaqiijiyay PUNTLAND POST sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya.
 
Hawlgalka lagula dagaalamayo kooxda gudaha u gashay Hotelka ayaa sii xoogeystay, waxayna sheegeen masuuliyiin u hadlay Dowladda Federalka Soomaaliya inay soo afjari doonaan saacaddaha soo socda, wallow uu u muuqdo mid sii socon doona saacado badan .
 
Weerarka Alshabab ku qaaday Hotelka Naasa-hablood sida la xaqiijiyay dadka ku dhintay waxaa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow, Xildhibaan hore oo ka tirsanaa baarlamanka Soomaaliya, Saraakiil iyo Dad shacab ah oo kor u dhaafaya 30 qof.
 
Sidoo kale dadka kasoo badbaaday dhismaha hawlgalku weli ka socdo waxaa ka mid ah Siyaasi Salaad Cali Jeelle, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Saalim Caliyoow Ibrow iyo Cabdulaahi Cumar Bootaan.
 
Ciidamada ka qeybqaadanaya hawlgalka ka socda Hotelka Naasa-Hablood ayaa soo badbaadiyay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Saalim Caliyow, Halka Siyaasi Salaad Cali Jeelle iyo Cabdulahi Cumar Bootaan goor dambe oo saq dhexe ah ay kasoo dhaceen mid ka mid ah daaqadaha dhismaha hotelka Naasa-Hablood.
 
Si rasmiya looma xaqiijin karo baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarka shalay galab lagu qaaday Hotelka , waxaana weli socda hawlgalka lagula dagaalamayo kooxda gashay gudaha oo sida la rumaysan yahay dad badan laayay ka dib qaraxyadii ka dhacay Afaafka horre ee Hotelka Naasa-hablood.

Kala soco faahfaahinta PUNTLAND POST.