Xasan Abshir Faarax oo ka waramay taariikhdii General Maxamed Abshir

Xasan Abshir Faarax oo xilal kala duwan kasoo qabtey Dowladdii Kacaanka Soomaaliyeed iyo Dowladihii KMG ahaa ee dalka soo marey ayaa uga waramay Warbaahinta PUNTLAND POST taariikhdii iyo halganka uu ku lahaa dalka Soomaaliya Alle ha u naxariisto General Maxamed Abshir Muuse oo maalin ka hor ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Siyaasi Xasan Abshir Faarax ayaa uga tacsiyeeyay Ummadda Soomaaliyeed iyo Eheladda Marxuum Maxamed Abshir Geeridiisa, wuxuuna sheegay inuu ahaa General Maxamed Abshir shaqsi taariikh mug leh ku lahaa Ummadda Soomaaliyeed.

General Maxamed Abshir Muuse ayaa ahaa Taliyihii ugu horeeyay Ciidanka Booliska, Sidoo kalena ahaa qofkii ugu horeeyay oo Soomaaliyeed oo qaata darajada Jeneralnimo.

Haddaba Daawo Wariye Abshir Dhiirane oo uu uga waramay Siyaasi Xasan Abshir Taariikhda Marxuum Maxamed Abshir Muusse.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.