Qabanqaabo lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Xaaf oo ka socota Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qabanqaabo xoog leh oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale (XAAF) oo la filayo inuu gaaro maalinta beri ah si uu uga qeybgalo shirka dhexmaraya Madaxweynayaasha maamulladda dalka iyo Madaxweyne FARMAAJO.

Kumanaan qof oo taageersan ayaa isu diyaarinaya soo dhaweynta Madaxweyne XAAF kuwaas oo warar madax banaan sheegayaan inay sitaan dhar iyo boorar ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyo ay ku qoran yihiin (Galmudug faragelinta halaga daayo iyo Xaaf waa halyeey”.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa horey ugu eedeeyay Madaxda Dowladda Federalka Soomaaliya inay faragalin iyo burburin ku hayaan maamulka Galmudug, ka dib markii uu taageeray go,aankii maamulladda kale ku garab istaageen Xulufadda Dowladda Sucuudigu hogaaminayso ee ku aadan muranka u dhaxeeya Dowladdaha Gacanka Carbeed.

Kala soco Faahfaahinta PUNTLAND POST.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST