Madaxweynaha Puntland oo la filayo berito inuu u socdaalo Muqdisho

Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah uga qeybgalaan magaalada Muqdisho shirka uga furmi doona madaxda maamulladda dalka iyo  Dowladda Federalka Somalia ka dib wada hadalo uu ku baaqay todobaadkii horre Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ajandaha shirka looga hadlayo ayaa ku saabsan xal u helida khilaafka maamulladda dalka oo isku dhinac ah iyo Dowladda Federalka Soomaaliya oo bilihii u dambeeyay ku kala aragti duwanaa arrimo ay ka mid yihiin , Faragalin lagu eedeeyay Dowlada Federalka inay ku hayso khilaafka ka dhexjira Galmudug, Muranka Dowladaha Khaliijka,Xeerar la xiriira dastuurta dalka iyo Hanaanka dhismaha Ciidamo Qaran.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirkaan Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale (Xaaf) oo maalmo ka hor warbaahinta u xaqiijiyay inuu caasumaad ka helay Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia.

Kala soco PUNTLAND POST faahfaahinta.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST