Puntland oo qirtey saaxiibtinimada Itoobiya iyo 410 Ardey oo loo direy Waxbarasho

Ka dib munaasabad balaaran oo galabta Dowladda Puntland ku sagootisay 410 Ardey oo deeqo waxbarasho ka helay gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Qaar ka mid ah Ardeyda deeqda helay iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan ayaa sheegay inay ahayd caqabada kaliya oo ay la kulmeen intii ay ku hawlanaayeen raadinta deeqdaan mid uga timid Dowlada Federalka Somalia.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Prof Abshir Awyuusuf ayaa sheegay in Wasaaraddiisu lacagta fee-ga dugsiyadda hoose, dhexe iyo sarre ka bixiso tiro ka badan 10,000 (Toban kun ) oo ardey ah, wuxuuna si adag ula dardaarmay Ardeyda deeqda ka helay Dibada iyo Jaamacaddaha Gudaha.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ka hadlay munaasabadii galabta ayaa amaan balaaran u jeediyay Dowladda Ethiopia,wuxuuna sheegay inay tahay Dowladda kaliya oo taageero siisa Puntland,marka loo eego Dalalka tirada badan oo saaxiibka dhaw la ah Dalka Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland inay ogaadaan dalka Itoobiya inuusan ula mid ahayn dalalka caalamka iyo kuwa saaxiibka la ah Soomaaliya, Isagoona ka warbixiyay qaabkii ama nidaamkii loo qeybiyay deeqda loo diray Ardey dhamaysay dugsiyadda sarre ee deegaanada Puntland.

Ardeyda loo direy deeqda waxbarashada ayaa isugu jira Waxbarashada Jaamacaddaha heerka 1aad (Degree) iyo Waxbarashada Jaamacaddaha heerka 2aad (Master)

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST