Puntland oo deeq waxbarasho u dirtey tiradii ugu badneyd oo Ardey ah

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee PUNTLAND ayaa galabta munaasabad balaaran oo ka dhacday Garowe ku shaacisay deeq waxbarasho middii ugu balaarnayd oo ay Dowladda Puntland ku sagootinayso  Ardey gaareysa 410 Ardey.

125 ka mid ah Ardeydaan waxay waxbarasho lacag la,aan ah ka dhigan doonaan Jaamacadaha ku yaala Gudaha Puntland, Halka tiro gaareysa 288 Ardey deeqo waxbarasho ka heleen dalka dibadiisa sida Ethiopia,Sudan iyo China.

Agaasimaha guud iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in deeqda waxbarashada lagu soo xulay 85%  habka tartanka furan ee Imtixaamka shahaadiga, 10% waxaa lagu soo xulay dhulka ka fog laamiga, 5% waxaa lagu soo xulay  dadka laga tiro badan yahay ama la heyb sooco.

Goordhaw kala soco PUNTLAND POST Faahfaahinta iyo Muuqaalka oo dhamaystiran.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST