Hay,adda SFS oo tababar u furtay qaar ka mid ah degmooyinka Puntland

Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe tababar ku saabsan canshuuraha iyo dhakhliga degmooyinka la isku yiraahdo Group C oo ka kala tirsan Gobolladda Mudug,Sool,Nugaal,Karkaar,Baran,Bari, kuwaas oo kala ah Degmadda Dongoroyo,Boocame,Waaciye,Baran,Carmo iyo Xarfo.

Masuuliyiin ka tirsan Xukuummadda Puntland ayaa kasoo qeybgalay furitaanka tababarkan oo ay qabanqaabisay Hay,adda Somali Family Service (SFS) waxaana si rasmiya u daahfuray Arrimaha Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Puntland Cabdulaahi Tima-cade.

Wasiir Tima-cade ayaa kula dardaarmay kasoo qeybgalayaasha tababarka inay ka faa,iideystaan tababarka ay siinayso Hay,adda Somali Family Service islamarkaana loo baahan sidii ay ugu celin lahaayeen aqoonta la barayo degmooyinka laga soo xulay dadka ka qeybgalaya tababarka oo socon doona muddo lix maalmood ah.

Agaasimaha Hay,adda Somali Family Service (SFS) Cabdirashiid Maxamed Cali ayaa sheegay inuu yimid tababarkani ka dib markey arkeen baahida ka jirta deegaanada laga soo xulay dadkaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST