General Maxamed Abshir Hammaan oo ku geeriyooday dalka Mareykanka

Waxaa goordhawayd ku geeriyooday dalka Mareykanka Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo ka mid ahaa madaxdii ugu horeysay ee dalka Soomaaliya ka dib markii xoriyadda laga qaatay Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga 1960-kii.

Geerida Jeneral Maxamed Abshir Hammaan waxaa u xaqiijiyay Warbaahinta PUNTLAND POST qaar ka mid ah eheladiisa .

Alle ha u naxariisto Jeneral Maxamed Abshir  wuxuu dhashay sanadkii 1925-kii wuxuuna noqday Taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, halka uu noqday sarkaalkii ugu da,da yaraa qaraada Afrika oo qaata  Jeneral.

Kala soco PUNTLAND POST insha allah taariikh nololeedka Marxuum Maxamed Abshir

Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST