Dowladda Imaaraadka oo geysay dalka Kenya dhaawacyo yiilay Muqdisho.

Dowladda Imaaraat-ka Carabta ayaa kusoo biirtey gurmadka dowladaha caalamku u fidinayaan gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxii 14 October 2017 ka dhacay magaalada Muqdisho.

Hay,adda Bisha cas ee laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa markii ugu horeysay 10 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ZOPE u dhoofisay magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya.

Koox dhakhaatiir ah oo  u dhashay United Arab Emarates ayaa soo gaarey Muqdisho waxayna u qaadeen dalka Kenya dhaawacyo ay la socdaan tiro ka mid ah dadka eheladooda ah.

Gurmadka ka yimid Dowlada Emarate ayaa qeyb ka noqonaya taakulada dalal ku yaala caalamka iyo kuwa gobolku u fidiyeen dadkii waxyeeladu kasoo gaartey qaraxii weynaa ee ZOOPE.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST