Shirka Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka furmay Garowe

Waxaa magaalada Garowe ka furmay Shirka Kaluumaysiga Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay Hay,adda Shuraako ,waxaana kasoo qeybgalay dhamaan Iskaashatooyinka kalluumaysiga dalka ,Wasaaraddaha Kaluumaysiga Dowlad Goboleedyadda ,Dowladda Federalka iyo Hay,addo ka shaqeeya ka faa,iideysiga horumarinta kheyraadka badda, halka ay goobjoog u ahaayeen shirkaan Ardey Soomaaliyeed oo barata cilmiga baddaha iyo kalluumaysiga.

Shirka oo socon doona saddex maalmood ayaa diirada lagu saarayaa ka faa,iideysiga kheyraadka badda Soomaaliya, wuxuuna noqonayaa midkii ugu horeeyay noociisa  looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin sidii suuqyo loogu heli lahaa ganacsiga Iskaashatooyinka kaluumaysatadda iyo ka hortagista jariifka iyo kalluumaysiga sharci darada ee lagu hayo biyaha Somalia.

Wasiir kuxigeenka Kalluumaysiga Soomaaliya Cabdulaahi Cumar Abshiroow oo daahfuray shirka ayaa sheegay inuu yahay shir Qaran oo ay kasoo qeybgaleen dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku taxaluuqa ama daneeya kheyraadka badda.

Waxaana la filayaa gabagabada shirka oo ku beegan maalinta khamiista in laga soo saaro go,aamo ku saabsan ka hortaga jariifka,horumarinta kalluumaysiga iyo ka faa,iideysiga kheyraadka badda ee dalka Soomaaliya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST