Wasaarada Cadaalada Puntland oo Qardho ku qabatay kulan ku saabsan xeerka Ciqaabta Kufsiga

Qardho-[Puntland Post] Wasaarada caadaala dawlada Puntland ayaa degmada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar ku qabtay tababar ku saabsan ku dhaqanka Xeerka kufsiga iyo ku dhaqankiisa.

Tababarkan oo socon doona mudo ayaa waxa ka faa,idaysanaya doona ku dhowaad 60 qof oo isugu jira Odayaasha dhaqanka iyo ururada dhalinyarada ee degmada Qardho, waxana u jeedadiisu ay tahay sidii Xeerkiisa Ciqaabta loo marin lahaa qofkii kufsi u gaysta Haween.

Furitaanka tababarkan ayaa waxa ka qeyb galay Maamulka Degmada Qardho iyo masuuliyiiin ka socda wasaradda Cadaalada Puntland .

Ismaaciil Xaaji Cabdi oo ugu horayn ka hadlay tababarka ayaa sharaxay mihiimada tababarkan.

”Tababarkan waxa uu ku saabsan yahay Xeerka kufsiga iyo ku dhaqan kiisa waxana uu socon doona maalmo kooban ,

Mahan markii ugu horaysay oo tababar ku saabsan xeerka kufsiga ay Wasaradda Cadaalada Puntaland ay ku qabto Magaalada Qardho ee xarunta gobalka karkaar.

Waxaan u mahad celinayaa cid kasta oo tababarkan ka soo qeyb gashaya waxana rajeynayaa in sida ugu wanagsan in tababarkan uga faa,idaysataan.”