Xarunta Cilmi-Baarista G. Africa oo shaado sharaf siisay dhalinyarada”Horumarku Waa Annaga”.

Xarunta Cilmi-Baarista ee Geeska Africa ayaa maanta shahaado sharaf  Bosaso ku guddoonsiisay dhalinyaro la magac baxay “Horumarku Waa Annaga” oo shaqooyin Iskaa wax-u-qabso ah maalmihii lasoo dhaafay ka qabtay waddooyinka magaalada Bosaaso.

Ugu horrayntii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Dr.C.Fitaax Nuur Ashkir ayaa munaasabaddaas shahaado guddoonsiinta ah kalmad ka jeediyay,wuxuuna sheegay in Madaxweynahana dowladda Puntland  hal-ku-dhaggiisu yahay: “Puntland ha isku tashato” sidaas darteedna loo baahanyahay in shacabku iyo dhalintu ay isku tashadaan si horumar loo gaaro.

Wuxuu intaas ku darey Wasiir Ashkir  hadalkiisa “Waan ku faraxsanahay in aan goob-joog ka ahay dhalinyaro lagu abaal-marinayo waxay bulshadoodu u qabteen,waxaana rajaynayaa in dadku nagu daydaan”.

Waxaa kaloo madasha ka hadlay Khadar Axmed Nuur Oog – oo ah xoghaynta Xarunta Cilmi-baarista Ee geeska Africa – oo tilmaamay in dhalinyaradu tahay Awood loo baahan yahay islamarkaana si bulshadu uga faa,iideysato muhiim tahay in lagu jiheeyo horumarka dalka.

Maxamuud Ciise Faarax Geelle oo ah Aqoonyahan ka tirsan isla xarunta ayaa si qoto dheer u sharraxay wuxuuna sheegay in deegaanka laga ilaaliyo qashinkana,dhalinyaraduna  dhaq dhaqaaqooda u baddalaan qaab habaysan,kana tashadaan Aayahooda cidda maamuli lahayd oo ah “Dhalinyaro firfircoon oo hoggaanka dalka qabata”.

Eng Cabdulaahi Yuusuf Qaylo oo ah soo abaabulihii Munaasabadda ayaa si faah faahsan u sharraxay inay waajib tahay in dhalinta la abaal-mariyo,dhiirigalin u qalantana loo sameeyo cid kasta oo bulshada wax tarta.

Sidoo kale waxaa madasha ka hadlay Guddoomiyaha Xarunta Cilmi-baarista geeska Africa Liibaan Axmed Shire oo sheegay in la gaaray xilligii dhalintu baraarug samayn lahaayeen, talada dalkana la wareegi lahaayeen,isna abaal marin lahaayeen.

Wuxuu Liibaan tusaalayaal usoo qaatay dhalin baal dahabi ah ka gashay u adeegidda bulshadooda.

Ugu dambayntii Wasiir Ashkir iyo Madaxda Xarunta Cilmi-baarista geeska Africa waxay shahaado sharaf guddoonsiiyeen dhalintii wiilal iyo gabdhaba lahaa ee ka qayb qaatay Calaamadinta waddooyinka magaalada Bosaso.

Bosaso

PUNTLAND POST