Gaalkacyo oo ay ka socdaan dadaalo xal loogu raadinayo Nabadda

Agaasimeyaasha Idaacadaha magaalada Gaalkacyo ee waqooyiga iyo koonfurta magaalada ka shaqeeya ayaa maanta qalinka ku duugay heshiis wada shaqayneed oo kusaabsan sidii ay uga qaybqadan lahaayeen Nabada iyo Xasiloonida Gaalkacyo.

Heshiiskan ayaa qeyb ka noqonaya kulan isdhexgal ah oo bulshada magaalada Gaalkacyo ay isugu yimaadeen Hotelka 5-Star ee Koonfurta Gaalkacyo.

Sidoo kale kulankaan waxaa goobjoog u ahaa madax ka tirsan Puntland,Galmudug ,Dowlada Federalka,UNSOM iyo Daneeyaal kale.

Waa markii ugu horeysay taariikhda oo ay magaalada Gaalkacyo ka socdaan barnaamijyo xal waara loogu raadinayo Nabadda iyo Deganaanshaha ee shacabka Galmudug iyo Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.