Faahfaahin ku saabsan afar qof oo lagu xirey Garowe

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Fara-weyne ayaa sheegay in ragga lagu xir-xiray shalay galab magaalada Garowe ay kaga dhawaaqeen Puntland Urur sharci daro ah sidaas darteedna ay ku muteysteen in ciidamada Amnigu soo qabtaan Islamarkaana la filayo dhawaan in lasoo taago Maxkamada ayuu yiri xilli uu wareysi siinayay Laanta Afka Somaliga ee VOA-da.

Ciidamada Amniga ayaa shalay galinkii dambe soo qabtey afar qof oo isugu jira Siyaasiin iyo Ganacsato ka dib markii ay dhawaan samaysteen golle ay ugu magac-dareen”Madasha Badbaadinta Puntland” kuwaas oo marar kala duwan ku qabtay Garowe shirar lagu dhaliilayo heshiiska dekeda Bosaso iyo Shirkii Kismaayo.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Siciid Dhagaweyne oo xilal Agaasime iyo Wasiir kasoo qabtey Puntland kana mid ah ragga la xirey ayaa sheegay inuu ka dambeeyo xarigooda Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ka dib markii ay dhaliileen shirkii Kismaayo oo uu ku tilmamaay inuu ahaa Xaaraan.

Dhagayso faahfaahin ku saabsan

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST