Wariyeyaasha Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo oo tababar usoo xirmay

Waxaa lasoo gabagabeeyey tababar labadii beri ee lasoo dhaafay u soconayey wariyeyaasha Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo, tababarkaan ayaa lagu baranayey anshaxa saxaafada, xirfadaha wariyeyaasha ee ka digtoonida wararka xasaasiyada abuuri kara, nabadaynta magaalada Gaalkacyo iyo sidii wariyeyaasha magaalada Gaalkacyo ay xiriir dhow u yeelan lahaayeen islamarkaasna ay uga midoobi lahaayeen qaabka loo tabinayo wararka si looga fogaado in warbaahintu ay huriso colaada magaalada.

Wariyeyaashii ka qaybgalay Tababarka ayaa si fiican uga dooday siday u samaysan lahaayeen dallad midaysa wariyeyaasha magaalada Gaalkacyo iyadoo shirkii maanta ay ka qaybgaleen agaasimeyaasha idaacadaha maxaliga ah ee  magaalada Gaalkacyo.

Wuxuuna kusoo dhamaaday tababarku jawi wanaagsan waxaana ka qaybgalayaashu isla qaateen in wariyeyaasha magaalada Gaalkacyo aysan qayb ka noqon colaadaha soo noqnoqda ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST