Kaallo Women Center Garowe oo agab guddoon-siisay arday dhamaysay xirfado

Xarunta Kaalo Women Center oo bixisa xirfado kala duwan ayaa magaalada Garowe kusoo gabagabaysay barnaamij muddo lix bilood ah ay wax ku baranayeen arday dhamaystay xirfada gacanta, waxaana ka qeybgalay munaasabad loo qabtey Ardeyda maamulka Iskuula Kaallo,Xildhibaano ka tirsan Gollaha Deegaanka Garowe,Macalimiin, Waalidiin iyo Marti sharaf kale.

13 Ardey ayaa la gudoonsiiyay Harqaanka dharka lagu tolo oo ay ku shaqeystaan, halka 12-kalena la barey habka qurxinta dumarka, Maamulaha Xarunta Kaalo Women Center Maxamed Khaliif Cawil ayaa sheegay inuu yaay ujeedka munaasabadan siday ardeyda ugu wareejin lahaayeen agabka la gudoonsiinayo madaama ay dhamaysteen casharadii lagu barayay xirfad.

Wuxuuna kula dardaarmay ardayda inay dadkooda dib ugu celiyaan wixii la baray iyaguna ay ku shaqaystaan, Isagoona sheegay inay diyaar u yihiin soo dhaweynta cid kasta oo gacan ka geysanaysa shaqada ay u hayaan bulshada.

Sidoo kale Xaawo Yaasiin oo ka mid ah Aasaasayaasha Xarunta Kaalo ayaa farxad iyo guul ku tilmaantay ardayda KAALO WOMEN ka dhameeyay xirfadaha kala duwan, waxayna sheegtay inay ilgaar ah ku eegi doonaan hadba sidey uga faa,iideystaan agabka la gudoonsiiyay iyo waxbarashadii ay dhamaysteen.

Xarunta Kaalo Wamen Center ayaa la asaasay burburkii kadib waxaa ka baxay arday la baray xirfado kala duwan, kuwaasoo hadda ku shaqaysta, waana tallaabo soo noolaysa in bulshada laga dhiso habka Xirfadaha.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST