Bosaso oo lagu qabtey dood cilmiyeed ku saabsan kaalinta dhalinyarada ee hoggaanka Siyaasada.

Dood cilmiyeed ay soo qabanqaabisay xarunta Cilmi baarista iyo horumarinta geeska Africa ayaa maanta lagu qabtey magaalada Bosaso, waxaana kasoo qeybgalay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland,Aqoonyahano,Issimo,Dhalinyaro iyo Ganacsato.

Wasiiru dowlaha Warfaafinta,Hidaha,Dhaqanka iyo Isgaarsiinta Dowlada Puntland Dr Cabdifataax Nuur Ashkir ayaa ugu horeyntii furey dooda,wuxuuna sheegay in la gaaray waqtigii ay dhalinyaradu dalka hoggaamin lahaayeen.

Wasiir Ashkir wuxuu u mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, wuxuuna yiri “Wuu ku mahadsanyahay Madaxweyne Prof Cabdiweli Cali Gaas  in hoggaanka dalka uu u dhiibay,Wasiirana ka dhigay dhalinyaro fara badan,waxaana loo baahan yahay in lagu daydo Madaxweyne Gaas oo hoggaanka dalka loo dhiibo inay Madaxweyne ka noqdaan dhalinyaro firfircoon”.

Hadalka wasiirka ka dib waxaa madasha ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland Cabdirixmaan Diiriye Shuuqe oo sheegay inay ka go’an tahay dowladda sidii loo gaari lahaa hal nin iyo codkiis inta ka horeysana la diyaariyo  jawigii ay hawshaas ku hir-gali lahayd.

Ka dib waxaa la galay soo ban-dhigiddii waraaqo cilmiyeed-yo ay soo kala jeediyeen Safiir Abshir Xasan Abshir,Prof Yaasiin Cabdulaahi Beeldaaje,Maxamuud Ciise,Eng Cabdulaahi Yuusuf Qaylo.

Waraaq Cilmiyeedka ka dib,waxaa doodda naaxiyay Guddoomiyaasha jaamacadaha sida guddoomiyaha jaamacdda Bosaaso Cabdiweli Gayre  iyo  Guddoomiye ku-xigeenka jaamacadda East Africa Maxamed  Maxamuud Ciise,Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Aqoonyahan Khadar Axmed Nuur oog.

Sidoo kale madashii maanta waxaa ka hadlay kasoo qayb-galayaasha Doodda sida Sakariye Maxamed Isticmaar oo sheegay in dhalinyaro fara-badan ay sannadka ka qaybgaleen golayaasha dowladda heer federal iyo weliba heer gobol.

Ugu dambayntii waxaa shirka soo xiray Agaasimaha  xarunta Cilmi-baarista ee geeska Africa Liibaan Axmed Shire oo si faahfaahsan uga hadlay waxqabadka xarunta Cilmi-baarista geeska Africa iyo waxay bulshada kusoo kordhisay.

Wuxuu sheegay xaruntu inay qabatay 6 dood cilmiyeed in ka badan,waxay kaloo soo saartay 6 tirsi ee wargayska “Yagleelka Aayaha”  iyo waxqabad kale oo  badan,waxay kaloo xaruntu tababbartay hal-abuur dhalinyaro ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST