Kooxo hubeysan oo xalay Kantaroolka Bosaso soo weeraray

Bosaso-[Puntland Post] Kooxo hubeysan oo ka tirsan A-lshabaabta buuraleyda Golis ayaa xalay saqdii dhexe weerar kusoo qaaday Kantaroolka magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Kooxahan oo sida ay qaar kamid ah saraakiisha ciidamada ee Kantaroolku Puntland Post u xaqiijiyeen ku hubeysnaa qoryaha daran dooriga u dhaca ayaa waxay israsaaseyn qadar socotey ay dhex martay iyaga iyo ciidamada ilaalada ka ah Kantroolka Boosaaso.

Inta la hubo 3 askari oo ka tirasan ilaalada kantaroolka Boosaaso ayaa geeryooday, sida oo kale shacab kor u dhaafaya ilaa 6 Qof  ayaa iyaguna ku dhinteen weerarka.

Sarkaalkan la hadalay Puntland Post wuxuu intaas ku daray in rasaastii labada dhinac isku ridayeen uu dhaawac kasoo gaarey Askar iyo dad rayid ah kana mid ahaa dad safar ah oo saaran gaadiid dhowr ah oo xiliga uu falkaasi dhacayey kantoorlka taagnaa si baaritaan loogu sameeyo.

Laamaha Amniga ee gobalka Barri ayaa hadda leh shir gaar ah oo ay uga hadlayaan dhacdadii xalay, waxaana lafilayaa in warbaahinta ay la hadlaan, si ay faahfaahin uga bixiyaan dhacdadan cusub.

Wixii soo kordha la soco Puntland Post insh Allah