Madaxweyne Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo oo u ambabaxay Kismaayo

Bosaso-[Puntland Post] Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay goordhawayd Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Cabdiwali Gaas waxaa ku wehlinayay safarka xubno ka tirsan labadiisa Gole oo Dawalada.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa  ka qeybgalaya shirka ay yeelanayaan maamul Goboleedyada oo ka dhacaya Magaalada Kismaayo dhawaan.

Ka hor intuusan ka dhoofin Garoonka Diyaradaha Boosaaso Madaxweynaha Puntland wuxuu ka hadlay ahmiyada shirka ka furmaya Kismaayo ee ay leeyihiin Maamulgobaleedayada dalka.

Daawo Shirka Jaraa’id Ee Madaxweynaha Puntland 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso