Shir ku saabsan horumarinta farsamada gacanta oo lagu soo xirey Garowe

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland shir muddo labo maalmood ah looga hadlayay horumarinta farsamada gacanta iyo sidii loo jiheyn lahaa dhalinyarada,waxaana kasoo qeybgalay Madaxda Wasaaradda,Saraakiil ka socota Hay,addaha World Vision, Save The Children,Ganacsato iyo Dhalinyaro.

Intii uu socday shirka ayaa lagu gorfeeyay caqabado badan oo haysta dhalinyarada sida shaqo la,aanta,xirfad yarida,fahamka shaqada iyo siyaasadda shaqaaleysiinta dhalinyarada, waxaana la isla gartey maanta oo lasoo gabagabeeyay saddex qodob oo kala ah.

  1. Sidii xooga loo saari lahaa farsamada gacanta.
  2. In Wasaaraddu samayso xarun ay ku kulmaan dadka barta xirfadda.
  3. Inay Wasaaradda Waxbarashadu qaadato doorkii ay ku lahayd Farsamada gacanta
  4. Ardeyda kasoo baxaysa Jaamacaddaha iyo Iskuulada in lagu dhiirigaliyo barashada farsamada gacanta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Puntland Axmed Cabdalla Tigaana oo soo xirey shirka ayaa sheegay inuu muhiim u ahaa shirkani kor u qaadista xirfadaha lagu horumarinta shaqo abuurka dhalinyarada.

Wuxuuna sheegay in Wasaaradiisu door muhiim ah ka qaadanayso sidii wax looga qaban shaqo abuurka dhalinyarada islamarkaana loogu wacyi galin lahaa fahamka shaqooyinka kala duwan ee laga qabto gudaha dalka.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST