Wasiirka Waxbarashada Puntland oo 2 qof xilal u magacaabay.

Dikreeto maanta kasoo baxday xafiiska Wasiirka Waxbarashada Dowlada Puntland Prof Abshir Awyuusuf Ciise ayaa xilal loogu magacaabay Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug Axmed Huruuse Xaashi iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Gaalkacyo oo loo magacaabay Cali Cabdirashiid Xaaji Xirsi.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka dambeysay magacaabista labada masuul ka dib markii uu arkay talo soo jeedinta Agaasimaha guud,Sidoo kalena uu la tashaday Wasiir kuxigeenka iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda.

Wuxuuna farey labada masuul ee uu xilalka u magacaabay inay shaqadooda u gutaan si hufnaan iyo xilkasnimo leh.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii xilalka looga qaaday dikreeto usoo saarey Wasiirka Waxbarashada Puntland, Gudoonkii Waxbarashada Gobolka Mudug iyo Gudoomiyihii Waxbarashada Gaalkacyo, Sidoo kalena Aqoonsigii loogala noqday Dugsiga sarre ee Cabdulaahi Yuusuf oo ka mid ah goobaha Waxbarashada magaalada Gaalkacyo.

Akhriso Dikreetada Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST