Wafti ka socda Midowga Yurub iyo UK oo maanta gaarey Hargeysa.

Diplumaasiyiin sarre oo ka socda dalalka Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaa maanta gaarey magaalada Hargeysa xarunta maamulka Somaliland, waxaana ka mid ah Safiirka Dowlada Denmark,Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya,Wakiilo ka socda dalalka Filand,France,Netherland iyo UK,waxayna  la kulmeen Madaxweyne Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Warmurtiyeed kasoo baxay waftiga maanta gaarey Hargeysa oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Warbaahinta PUNTLAND POST waxay sheegeen inay ka wada hadleen madaxda maamulkaas arrimo ku salaysan doorashada Somaliland oo la filayo in la qabto 13 November 2017-ka iyo Sidii loo aqbali lahaa natiijo kasta oo kasoo baxda  doorashada.

Guddiga Doorashada Somaliland (NEC) ayaa 30-kii Setemper 2017 soo saarey liiska musharaxiinta loo ogol yahay inay u tartamaan jagada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland, waxayn sheegeen xubnaha maanta tagey Hargeysa inay ku raacsan yihiin qaabka wax u socdaan.

Sidoo kalena waxaa lagu sheegay warmurtiyeedka kasoo baxay Diplumaasiyiin sarre oo maanta gaarey Somaliland in beesha caalamku tixgalin iyo taageero weyn u hayso nidaamka doorashooyinka Somaliland, Islamarkaana la doonayo in laga gudbo wixii dhibaato ku keeni kara.

Akhriso nuqul ka mid ah War-murtiyeedka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST