Shirka wadatashiga horumarinta farsamada gacanta oo ka furmay Garowe

Shirka wadatashiga horumarinta farsamada gacanta ayaa maanta ka furmay magaalada Garowe, waxaana kasoo qeybgalay Madaxda Wasaaradda,Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha,Masuuliyiin ka socota Shirkadda Isgaarsiinta Golis,Hay,addaha wada shaqeynta la leh Wasaaradda iyo Marti sharaf kale.

Barni Ciise Axmed Agaasimaha waaxda shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa sharaxday ahmiyadda shirka waxayna sheegtay in wasaaraddu dejisay siyaasadda farsamada gacanta,ayna uga faa,iideyn doonto dhalinyarada reer Puntland xirfadda farsamada gacanta.

Maamulaha Shirkadda Isgaarsiinta Golis qeybteeda Gobolka Nugaal Maxamuud Ismaaciil Awcismaan oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay shirka ayaa sheegay inay shirkad ahaan diyaar u yihiin sidii dhalinyaradda ay uga caawin lahaayeen inay bartaan farsamada gacanta si xal loogu helo baahiyo gaar ah oo jira.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan oo si rasmiya u daahfuray shirka wada tashiga horumarinta farsamada gacanta ayaa sheegay inay wasaaradu u diyaarisay dhalinyarada ka aflaxda Jaamacadaha ku yaala gudaha Puntland xirfado ay ku shaqeystaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Isgaarsiinta,Dhismaha iyo Nashqadeynta Guryaha.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.