Haya,adda IOM oo Boosaso ku qabatay Kulan looga hadlayay dhibaatada tahriibka

Hoolka Jaamacada Bariga Afrika Ee Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari ayaa Maanta waxa lagu qabtaya kulan looga hadlayey Khatarta Tahriibta Waxana Soo Qaban Qabiyay Madaxda Jamacada Bariga Afrika Waxana sida oo kale Maalgalinayay Hayada IOM.

Kulanka waxa ka soo qeybgalay Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika saraakiil ka socotay Haya adda IOM ,masuuliyiin ka tirasan dawalada iyo Ardayda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika.

Ardayda Ayaa Lagu Dhiri Galiyay Inay Dhulkoda Dhistaan Iskana Ilaalinayaan Inay Naftooda Ku Haligaan Khatarta Tahriibta Oo Dhalinyarada Somaliyeed Aafaysay.

Gudomiyaha Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Sheikh Axmed Maxamed Faarax Ayaa Shegay Inay Tahriibtu Tahay Masiibo Qaran loona baahan yahay in dhalinyaradu ay iska ilaaliyaan in ay dalkooda miciin bidan dal ay dadkii laha dhisteen.

Maxamed Maxamuud Oo Ah Sarkaal Ka Socday Hayada IOM Ayaa Ardayda Kula Dar Darmay Inay Dhulkoda Dhistaan.

”Dadka uu saameyey tahriibku waa kuwo idinka idin la mid ah qaar kood jaamacado ayey dhigan jireen maantan waxa ay ku nool yihiin dal aan dalkooda ahan oo ay ku haysatan nolal aad u liidata idinka ayaa la idin ka baahan yahay in aad dhalinyarada ka wacyi galisaan dhibtada tahariibka sidaa waxa yiri Maxamed Maxamuud oo ka socdaya haya adda IOM.”

Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa sheegaya in dhalinyarada looga bahan yahay in ay ka qeyb qataan hormarka dalkood si buu yiri dalkoodu uu u noqdo mid loo soo tahriibo.

Burhaan Huruuse Xaashi Waaxda Muhaajiriinta Wasarada Arimaha Gudaha Puntland waxa uu cadeeyey in tahriibku yahay dhibta ugu daran ee dhalinayarad soomaliyeed hada haysta.

’’Runtii aragti ahaan wey jirtaa waana culeys waxaana ka mid ahay dhaliyarada Soomaaliyeed runtii aad ayaad uga xumaaneysaa amaba waad qiirooneysaa marka aad aragto dhalinyaro soomaaliyeed o badaha ku dhimaneysa ama meydadkooda xeebaha lagu soo daadinayo marka waxa dadkaas ku qasbaayo in ay tahriibaan waa dhibaato jirta lakiin u baahan in lago hortago.”

Barnaamijyada ka hortaga dhibaatada Tahriibka uu leeyahay iyo ka wacye gelinta dhaliyarada soomaaliyeed ayaa mudooykanba waxa waday Haya adda IOM inta badan ka shaqeysa wacyigalinta dhalinyarada soomaliyeed.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso