Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo u safrey Kenya iyo Zambia

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay) oo maanta ka dhoofay magaalada Garowe ayaa sheegay inuu safrayo dalalka Kenya iyo Zambia ka dib fasax qaadanaya 10 cisho oo uu sheegay inuu ku maqnaan doono dalka dibadiisa.

Hadal kooban oo uu jeediyay Eng Camay wuxuu ku sheegay ujeedada socdaalkiisu inay la xiriirto fasax balse uu rajaynayo kulamo uu kula yeelan doono magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya dad badan, halkaas oo uu sheegay 5 cisho ka dib inuu uga sii gudbi doono cariga dalka Zambia.

Ma ahan mid horey loo shaaciyay socdaalka Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay) Islamarkaana faahfaahin dheeriya lagama hayo wuxuu ku qotomo,wallow ay noqonayso markii ugu horeysay oo uu tagi doono dalka Zambia oo ay ku nool yihiin ganacsato fara-badan oo u dhashay dalka Somalia.

Daawo Eng Camay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST