Daahfur maanta loo qabtay dhamaystirka dhismaha Airport-ka Garowe

Waxaa maanta la qabtay munaasabad lagu daahfuray wajigii ugu dambeeyay oo lagu dhameystiri doono dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Garowe oo socday muddo ku dhaw labo sano,waxaana ka qeybgalay madaxda Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada,Madaxweynihii horre ee Puntland ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sarre ee Soomaaliya,Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse,Ganacsato,Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Marti sharaf kale.

Sarkaal ka tirsan Shirkadda fulinaysa qandaraaska garoonka diyaaradaha Garowe oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa sheegay in dhawaan qorshahoodu yahay dhamaystirida garoonkaan, Islamarkaana hawsha maanta la daahfurey ay noqon doonto shaqadii ugu dambeysay oo ay qaban doonaan Garoonka Diyaaradaha Caasimada Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne iyo Cabdifataax Kismaayo oo ah Gudoomiyaha Guddiga Qaaraan Uruurinta Leyreynta Garoonka Diyaaradaha Garowe ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin shaqada ugu dambeysay ee la filayo in laga qabto Garoonka Garowe.

Madaxweynihii horre ahna Xildhibaan ka tirsan Aqalka sarre ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed (Faroole) ayaa sheegay inuu kasoo bilowday qorshaha garoonka diyaaradaha Garowe sanadkii 2003-dii, Islamarkaana xilligaas uu ahaa Wasiirka Maaliyadda Puntland kana mid ahaa masuuliyiintii dhagax dhigtay.

Dr Faroole ayaa ka codsadey Xukuumadda Puntland inay ku dadaasho sidii Dowlada Kuwait ay u gaarsiin lahayd fariin ku saabsan dhameystirka baahiyo ka dhimanaan doona Garoonka Garowe, wuxuuna taas bedelkeeda kula taliyay haddii aysan uga soo jawaabin inay codsi u gudbiyaan Dowlada China oo diyaar ula ah.

Daawo qudbadaha goobta laga jeediyay

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii maanta ka hadashay dhagaxdhiga wajiga ugu dambeeya dhismaha Garoonka magaalo madaxda Puntland ee Garowe, wuxuuna sheegay inuu ku bogaadinayo cid kasta oo kasoo qeyb qaadatay in halkaan lasoo gaarsiiyo hawsha Garoonka Diyaaradaha Garowe.

Islaanka ayaa ugu dambeyntii ka duceeyay munaasabada dhagax dhiga oo maanta loo sameeyay Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe, wuxuuna sheegay inuu yahay Garoon ay u wada siman yihiin dhamaan Ummadda Soomaaliyeed.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST