Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo xilka ka qaaday masuuliyiin, 2 Iskuul-na kala noqotay Aqoonsiga

Dikreeto kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Puntland Prof Abshir Awyuusuf Ciise ayaa maanta xilalka looga qaaday Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug iyo Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Gaalkacyo waxaana sidoo kale Aqoonsigii iyo diiwaangalintii loogala noqday labo iskuul oo ka mid ah Dugsiyadda ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Dikreetada ayaa si kumeel gaar ah xilal lagu magacaabay 2 masuul oo sii haynaya shaqadii laga ceyriyay Gudoonka Waxbarashada Gobolka Mudug  iyo Degmada Gaalkacyo ilaa iyo inta laga soo diyaarinayo tartanka iyo doorashada loo galayo xilalkaas.

Gudoomiyaha Gobolka iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa lagu wargaliyay inay hubiyaan fulinta go,aanka wasaarada kasoo baxay oo ku wajahan labada dugsi sare ee kala ah Mideeye (Al-raxma) iyo Iskuulka Cabdulaahi Yuusuf oo lagu eedeeyay inaysan u hogaansamin nidaamkii iyo qawaaniintii Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Dowlada Puntland.

Go,aanka maanta Aqoonsiga loogala noqday labo iskuul sidoo kalena xilalkii looga qaaday labo masuul waxay u cuskatay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ka dib warbixintii ay kasoo gudbiyeen Gobolka Mudug guddi xaqiiqo raadin ah oo loo direy Gaalkacyo.

Akhriso go,aanka kasoo baxay maanta Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST