Shacabka Garowe oo ka shirey ilaalinta Nabada iyo Amniga.

Kulan ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Xaafadda Horseed oo ka mid ah 9 xaafadood ee magaalada Garowe ayaa si adag looga hadlay ilaalinta Amniga iyo siday uga gacansiin karaan Booliska iyo Laamaha Amniga Dadweynaha ku nool magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Kulanka oo la qabtay galinkii dambe ee shalay waxaa kasoo qaybgalay saraakiil ka socotay Booliska,Maamulka Degmada,Odoyaal,Culimo udiin,Maamulayaal Iskuul,Ganacsato iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan,waxaana si weyn diirada loogu saarey sida loo wajihi karo dhalinyaro  xilliyadda habeenkii dadka maraya jidadka magaalada ka furta Telefonada ay ku sitaan gacanta iyo sidii waalidiintu xil isaga saari lahaayeen tarbiyadda caruurtooda.

Kasoo qeybgalayaasha shirka ayaa qeylo dhaan xoog leh kasoo saarey falal amni daro oo ay habeenkii gudaha magaalada ka geystaan dhalinyaro qawlaysato ah oo ku hubaysan ulo iyo mindiyo, kuwaas oo lagu eedeeyay inay carqalad ku yihiin Nabadgalyadda Caasimada Puntland.

Dhinaca kale dadka ka hadlay kulanka ayaa fikrado muhiim ah kasoo jeediyay sidey u wada shaqeyn karaan ciidamada sugaya Amniga iyo dadka degan xaafadaha magaalada,Iyagoona farey saraakiisha booliska inay ka feejignaadaan falalka shacabku ay ugu aqoonsan karaan ciidamada inay yihiin kuwo argagax galinaya oo aan u tureyn dadka.

Daawo.

Shirarka noocaan oo kale ah ayaa horey ugu yaraa magaalada Garowe, waxaana iminka muuqata isfaham dhaw oo dhexmaray Booliska iyo Guddiyadda Xaafadaha magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST