Puntland:- Shacab deyn u sheeganaya Dowlada Federalka Somalia

Ganacsato,Jaamacaddo,Warbaahin iyo Qaar ka mid ah bulshada ku nool magaalada Garowe oo maanta shir jaraa,iid qabtay ayaa dhambaal cabasho u direy Baarlamanka iyo Xukuumadda Dowlada Federalka Somalia ka dib markey sheegeen in lagu guuldareystay wax ka qabashada bixinta deymo kharash ah oo ay leeyihiin ka dib heshiis ay wada galeen Guddiyaddii Doorashada Dadban 2016 ee Puntland ka xulay Xildhibaanada Aqalka hoose.

Afhayeen u hadlay dadka deynta ku sheeganaya Dowlada Somalia oo lagu magacaabo Ibraahim Wadani ayaa sheegay in muddo ka badan sanad ay ka war dhawrayeen sidii looga soo jawaabi lahaa arrintan, balse aan weli lagu guulaysan.

Ibrahim Musse Dahran ayaa fariin gaar ah u direy Gollaha Xildhibaanada oo uu ka codsadey inay u istaagaan kasoo jawaabida deynta ka maqan dadkii lahaa meherado iyo kuwo heshiisyo wada shaqeyn ay la galeen guddigii doorashada dadban ee heer Puntland usoo magacawday Dowlada Federalka Somalia.

Kuma aysan sheegin shirka jaraa,iid inay kala mid yihiin arrintan heshiisyadii dhigooda lagu-la galay Dowlad Goboleedyadda kale ee lagu qabtey Doorashadii lagu soo xulay Xildhibaanada Aqalka hoose.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST