Wasaaradda Dekadaha Puntland oo Faah-Faahin ka siisay shacabka Balaarinta Dekadda Bosaso

Bosaso-[Puntland Post]-Magaalada Boosaso ee Xarunta gobalka Bari ayaa maanta lagu qabtay kulan ballaraan, kaasi oo looga hadlay ballaarinta dekadda weyn ee magaalada Bosaso.

Kulanka oo ka dhacay xarunta dawlaad hoose ayaa waxaa soo qaban qaabiyey wasaradda Dekadaha Puntland ,Maamulka gobolka Bari, iyo kan degmada Bosaso.

kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa ahaa sidii bulshada reer Puntland faa-faahin looga siin lahaa qaabka loo ballaarinayo dekadda magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari.

Waxaa ka soo qeyb galay kulanka maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso madaxda wasaaradda dekadaha iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda dekaha Puntland Cabdimajiid Samatar Jaafan oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka dekadda Bosaso u shaqeyso.

’Dekadda Bosaso waa dekadda ugu yar Soomaaliya marka loo eego dekadaha kale ee ka jira dalka.

Dekadda Boosaso waxa ay u baahan tahay in la ballaariyo, haddii aan la ballaarinna waxa istaagi doonto shaqada ka socota, waayo waxaa ku soo xirta markabyo aan loogu tala gelin in ay ku soo xirtaan ayuu yiri Cabdimajiid Samatar Jaafan agaasimaha guud ee wasaaradda dekaha Puntland ‘’

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamad Raage oo isna ka hadlay madasha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar ay bulshada reer Bosaso ay isla dhexmarayeen ee ahaa in la bur-burinyo guryaha ku dhow dekadda.

’Ma jiraan guryo la bur-burin doono, dekadda ayaa la ballaarinayaa, waana mashruuc weyn oo hormar u ah bulshada Bosaso, reer Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamad Raage.’’

Qaar ka mid ah nabadoonadii iyo bulshadii ka qebgaly kulanka ayaa soo dhaweeyey mashruuca lagu ballaarinayo dekadda magaalada Bosaso, waxa ayna madaxda Puntland ugu baaqeen in shacabka reer Puntland sidan oo kale u qanciyaan markii uu soo dhexgalo tuhun iyo warar been abuur ah.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xili dhawan qaar kamid ah nabadoonada iyo waxgaradka gobalka Bari aya qabteen kulan ay kaga soo horjeedan wareejinta Dekada Boosaso.

 

Cabdiqani Boos

Puntland Post -Bosaso