Kulan lagu tageerayo Musharax Cabdilaahi Ciise Saalax Ordaye oo Bosaso lagu qabtay

Bosaso-[Puntland Post] Munasabad lagu tageerayey Musharax Cabdilaahi Ciise Saalax Ordaye oo u taagan xilka Gudoomiyaha Degmada Caluula ee gobalka Gardafuu ayaa lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Kulanka ayaa  waxaa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka tirasan Puntland , isimo, ganacsato, aqoonyahano, dhalinyaro, haween, culimo’udiin, iyo marti sharaf kale.

Inta ay Munasabadu socotay waxa goobta ka hadlay masuuliyiin kala duwan waxayna  taageero u muujiyeen Musharax Cabdilaahi Ciise Saalax Ordaye oo u taagan xilka gudoomiyaha Degmada Caluula ee gobalka Gardafuu iyagoona balan qaaday in garab istaagi doonan .

Aqoonyahanadii iyo dhalinyardii ka qebgalay kulanka lagu tageerayey Musharax Cabdilaahi Ciise Saalax Ordaye  ayaa sheegay in gacmo furan ku soo dhaweenayaan Musharax Cabdilaahi Ciise Saalax Ordaye.

Cabdilaahi Ciise Saalax Ordaye oo u taagan xilka Gudoomiyaha Degmada Caluula ee gobalka Gardafuu oo ugu danban ka hadlay kulanka waxa uu balan qaday in hadii uu xilka ku gulaysto in uu si wanagsan ugu shaqayn doono bulshada Deegaanadaasi.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso