Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo qabatay wajigii 2aad wacyi-galinta tahriibta

Wasaaradda waxbarashada iyo taclinta sare ee dowladda Puntland oo taageere ka helaysa hay’adda socdaalka aduunka ee (IOM), ayaa qabatay wajigii labaad barnaamij dhalinyarada Puntland looga wacyi galinayo halista tahriibka.

Barmaamijkaan oo maanta lagu qabtay xarunta jaaamcadda PSU, ee Garowe, ayaa lagusoo bandhigay Ruwaayad iyo maansooyin ka turjumayay dhibaaatada Tahriibka laga dhaxlo iyo sida uu weli saameyn xoogan ugu leeyahay dhalinyarada Puntland.

Cabdirisaaq Xirsi Cabdullaahi oo ah sarkaal katirsan hay’adda IOM, ayaa sheegay in Tahriibku inuu yahay aafooyinka naafeeyay dhalinyarada Soomaaliyeed oo noqday kuwa laga ganacsado, iyagoo nolol raadinaya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa tilmaamay ujeedooyinka loosoo abaabulay barnaamijkaan inay ugu muhiimsan tahay In la fahmo dayacnaanta ku xeeran dhalinyarada waxbaranaysa oo ah kuwo ugu unugul inay tahriibaan.

Wasiirka waxbarashada Dr. Abshir Yuusuf Ciise, ayaa sheegay mustaqalka dhow Soomaaliya inay ahaandoonto Waddan isaga nolol loosoo raadsado, wuxuuna dhalinyarada ku booriyay inay dalkooda iimaansadaan.

Lagasoo bilaabo sanadki 2009, Puntland iyo hay’adda IOM, ayaa waday mashaariicyo kala duwan oo lagu taageerayay dhalinyarada, Puntand, si loo yareeyo Tahriibka, hase yeeshee Tahriibka ayaa weli sidiisii u socda, iyadoo aysan dadku dareensanayn.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST