Siyaasi Cabdi Qawdhan”Madaxweyne Gaasoow balantii aad qaaday Adigoo miyir qaba ha-lagaa helo”

Wasiir kuxigeenki hore ee Wasaaradda Maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame (Cabdi Qowdhan) oo maanta qudbad kooban ka jeediyay munaasabad ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Kumeelgaarka ee Doorashooyinka Puntland ayaa ka hadlay Aas-aaskii Puntland, Caqabadaha hortaagan nidaamka dimuqraada iyo habka looga guuri karo.

Wuxuu sheegay Cabdi Qawdhan inay cadow ku yihiin Dimuqraadiyeynta Puntland qaar ka mid ah madaxda dhaqanka iyo Siyaasiin ku kala hardamaya qabashada kuraasta sarre ee Puntland, Isagoona ku dhaliilay shacabka inay u difaacan waayeen siday si xor ah ugu dooran lahaayeen cidey u igmanayaan masiirkooda.

Cabdi Qawdhan ayaa yiri ka dib  fariin uu kula hadlayo Madaxweynaha Puntland”Madaxweyne Gaasoow balantii aad ka qaaday shacabka Adigoo ku fadhiya Kursiga oo miyir-qaba ha lagaa helo”.

Daawo Muuqaalka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST