Puntland,K/Galbeed,Hirshabelle iyo Jubaland oo si wada jir ah u cambeeyay Dowlada Federalka

Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Jubbaland oo si wadajir ah usoo saaray war qoraal ah waxay ku eedeeyeen Dowladda Federalka Soomaaliya inay qeyb ka tahay waxa ka socda Galmudug, waxayna u ballameen shir deg deg ah oo ay isugu tegayaan Kismaayo.

Qoraalkooda waxay ku sheegeen inay ka walaacsanyihiin arrinta Galmudug iyo siday Dowladda dhexe u maareynayso is afgaran waaga siyaasadeed oo ay ku cambaareeyeen go’aankii baarlamaanka iyo isku day kasta oo lagu majaxaabinayo Madaxweyne Xaaf si aan sharciga waafaqsaneyn.

Waxay ku tilmaameen khilaafka hadda socda mid horseedi kara deganaan la’aan iyo khalkhal siyaasadeed iyo mid amni daro oo ay sheegeen inuu ugu dambeyntii saameyn ku yeelan doono dalka oo dhan islamarkaana wiiqi doona hawlihii dadka loogu adeegayay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST