Dalladda MUDAN iyo Guddiga TPEC oo Garowe ku qabtay kulan ku saabsan fahamka Dimuqraadiyadda

Kulan ka dhacay magaalada Garowe oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland iyo Dalladda Dhalinyarada MUDAN ayaa looga hadlay sidii bulshada loo fahamsiin lahaa nidaamka Dimuqraadiyadda ee la doonayo in looga gudbo habka wax ku qaybsiga beelaha.

Shirkan oo daba socday kulamo hore iyo kuwo ka dhacay magaalada Bosaso ayaa diiradda lagu saaray sidii bulshada looga dhaadhicin lahaa in nidaamkan uu yahay mid dadweynaha u horseedaya hormar.

Waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku-xigeennada Wasaaradaha Dastuurka, Qorshaynta,Madaxda Dalladda Mudan,Xubno ka socday Guddiga iyo dad matalayay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland Cabdiraxmaan Diiriye Samatar ayaa furitaankii kulankan ka sheegay in Guddigu uu diyaar u yahay inuu bulshada ugu shaqeeyo daacad islamarkaana uu ka dhabeeyo sidii loo gaari lahaa Dimuqraadiyadda.

Cabdiraxmaan Diiriye ayaa intaas ku daray inay muddooyinkii dambe qabanayeen shirar dhammaantooda looga hadlayay Dimuqraadiyadda, wuxuuna bulshada ka codsaday inay ka qayb qaataan qorshahan iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa.

Wuxuu intaas ku daray in shirarka noocaan ah ay sii socon doonaan ilaa laga gaarayo yoolka ah in Puntland ku tallaabsato nidaamka axsaabta badan.

Sidoo kale Gudoomiyaha Dalladda MUDAN Maxamed Muuse Maxamed oo ka hadlay goobta kulanka ayaa sheegay in barnaamijkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dhalinyarada, wuxuuna kula taliyay inay taageeraan sidii looga gudbi lahaa habka ku salaysan Qabaliga.

Qaar ka mid ah kasoo qayb galayaashii iyo Dalladda Dhalinyarada ee Mudan ayaa Guddiga wax ka weydiiyay nidaamkan iyo qaabka loo wajahayo, waxaana su’aalahaas mid mid uga jawaabayay Guddiga oo dadweynaha si waafi ah ugu sharaxay in Barnaamijkan lagu gaari karo isku duubni iyo isku tashi.

  Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST