Wasiirka Amniga Puntland ”Shacabku ma haysan karaan hub ka weyn AK47″

Bosaso-[Puntland Post]-Wasiirka Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland Axmed Cabullaahi Yuusuf Dawladd oo maanta shir jaraa,iid qabatay ayaa faahfaahin ka bixiyey howgalo ciidamada Amaanku ka bilaabeen magaalada Boosaaso kuwaas oo lagu baadi goobayo Hubka aan sharciga aheyn ee shacabka lagu dhex haysto.

Goobaha Ganacsi iyo Hay’adaha ayuu wasiirku ugu baaqay inay sharciyeystaan hubka ay hantidooda ku ilaashanayaan si loo hayo diiwaanka saxda ee hubka ka baxsan gacanta dawladda.
 
Sidoo kale wuxuu shacabka u sheegay Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdullahi Yuusuf Dawlad wixii ka weyn qoriga loo yaqaano AK 47 inaan loo ogolaanayn inay gacanta ay ku haystaan oo ay isticmaalaan .
 
Hadalka Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland ayaa ku soo beegmaya xili maalmo ka hor lagu qabtay dooni hub sida xeebta Mareera oo 9 Km u jirta Bosaso

Daawo Shirka jaraa,iid.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post – Bosaso