Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dawaldda Federaalka oo maanta tagey Garoowe

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dawaldda Federaalka Soomaliya C/raxamaan Xuseen Ducaale Bayle oo ay wehliyaan Wasiiradda Maaliyadda Maamul Goboleedyada ay ka mid yihiin Galmudug,Jubaland,iyo KoonfurGalbeed ayaa maanta soo gaarey magaalada Garowe xarunta Dowlada Puntland.

Waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe kusoo dhaweeyay waftigaan Wasiirka Maaliyadda Puntland C/qaadir Siciid Caarshe Dhaqaaje, Wasiir kuxigeenka Maaliyadda C/salaam Bashir C/salaam,Xisaabiyaha Guud ee Dawaldda C/risaaq Siciid Nuur iyo Masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Cabdiqaadir Axmed oo ah xiriiriyaha ciidanka PMPF iyo Agaasimayaasha Wasaradda Maaliyadda Puntland .

Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdiqaadir Siciid Caarshe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshaha waftigaan Islamarkaana ay yihiin muwaadiniin yimid dhulkooda.

Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya C/raxamaan Xuseen Ducaale Bayle ayaa uga mahadceliyay Wasiirka  Maaliyadda iyo Madaxda kale ee Dowlada Puntland soo dhaweynta ay ugu sameeyeen maanta magaalada Garowe.

Waxaa shalay ka furmay Xarunta Wasaarada Maaliyada Puntland ee magaalada Garowe shir hordhac u ah Shirweynaha Wasaaradaha Maaliyadaha Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Federaaalka oo looga arinsanyo sidii loo midayn lahaa nidaamka canshuuraha dalka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.