Nabadoonadda Gobolka Bari oo ka Digay wareejinta Dekadda Boosaso

Bosaso-[Puntland Post]-Nabadoonadda iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka bari oo maalmihii lasoo dhaafay kullamo uga socdeen Magaalada Bosaso Ee xarunta ganacsiyeedka Puntland  ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Boosaso waxay cadeeyen  inay ka soo horjeedaan in Dekeda lagu wareejiyay Shirkadda P&O port 1-da Bisha October, iyagoona baaq u diraya Dowladda  Soomaaliya si ay arintan u soo  faragaliso .

Nabadoonada shirka jaraa’id ka hadlay waxaa ka mid ahaa Nabadoon Maxamed Cumar Dhowlawaa, Nabadoon Muuse mire Jibriil, Naadoon Maxamuud Caysayr , Nadoon C/qaadir Axmed Xarago, Nabadoon Mahad Khaalid Muuse iyo Nabadoono kale oo ka kala soo jeeda inta badan beelaha dega gobolka Bari.

Nabadoonadu waxay tilmaameen in sababaha ay uga soo horjeedaa heshiiskan ay la xiriirto markii ay arkeen cabashooyinka iyo dhibaatooyinka ka dhashay Dekedihii, shirkadda DP World ay hore ula soo wareegtay oo ugu dambaysay Dekeda Berbera oo sheegeen in haatan ay qarka u saran tahay inay xiranto, oo badeecooyinka qaarkood magaalooyinka Somaliland, looga qaado magaaladda Bosaso.

“ waxaanu ka soo horjeednaa oo qaadacnay, waxaana u fadhiyin heshiiska lala soo galay P&O port ee DP World, in dekedii maandeeq oo Soomaliya oo dhan ka adeeganaysay in la xiro oo halkaa la benido, waxaanu qabnaa oo isku raacsanahay inaanay noo imaan shirkaasi” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Nabadoonada shirka Jaraa’id Qaybtay.

Nabadoonadu waxay sheegeen in ay dacwad ka furteen Maxakamada Sare ee Puntland, oo doonayaan in sifo sharci u kala baxaan iyaga iyo dowladda Puntland, waxayna sheegeen in heshiiskasii uusan ahayn mid sharci ah. Waxay kaloo tilmaameen in dowladgoboleedyada dalka ka jiraa ayan xaq u lahayn inay heshiis caalami ah oo iyaga u gaar ah galin Karin oo awoodaasi ay leedahay oo kaliya dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay uu baaqeen Isimadda iyo nabadoonadda goboladda kale ee Puntland inay abaabulaan kullamo la mid ah kuwa ay ku qabteen magaaladda Bosaso, ayna ka hadlaan dhibaatadda ka dhalatay heshiiska Dekeda Bosaso lagu wareejiyay. Waxay xuseen in dhibaatadu ayan ku koobnaan doonin oo kaliya magaaaldda Bosaso oo ay ku taalo Dekeda Bosaso

6dii april ee sanadkan 2017ka, Magaaladda Abu-dubai, waxaa heshiis dhexmartay dowladda Puntland iyo shirkadda P&O Port oo hoostimaada Shirkada DP World, heshiiskaasi oo ku kacaya 336 milyan dollar, kaasi oo muddo 30 sanno lagu wareejiyay Dekeda Bosso, taasi ay maamuli doonto shirkadda kale Global Port Services FZE, ah shirkad qaabilsan hawlaha Dekedaha xorta ah, kana diiwangashan dalka isutagga imaaradka carabta, cinwaankeeduna yahay level 1. Lob 17 Jebel Ali free zone, Dubai Uninted arab.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post Bosaso