Guddiga Doorashooyinka Puntland oo maanta la shirey ururada bulshada rayidka

Waxaa maanta ka furmay magaalada Garowe shirka la tashiga bulshada rayidka iyo daneeyaasha Puntland waxaana kasoo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda,Hay,addaha taageera Dimuqraadiyadda,Dalladda Ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA iyo Marti sharaf kale.

Gudoomiyaha Guddiga Kumeelgaarka ee Doorashooyinka Puntland Caaqil Cabdiraxmaan Diiriye Samatar ayaa furay shirka wuxuuna ka waramay halka uu marayo nidaamka xisbiyadda badan oo Puntland hiigsanayso .

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah TPEC, Cabdiraxmaan Diiriye Samatar ayaa soo dhaweeyay urur cusub oo looga dhawaaqay madasha uu shirku ka socday, wuxuuna sheegay haddii uu buuxiyo shuruudaha loo dejiyay inuu noqon doono urur siyaasadeed.

Ururka maanta lagu dhawaaqay waxaa hormuud ka ah nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdirashiid Maxamed Cali oo sheegay in ururkaan uu noqon doono mid u dhaxeeya umadda Somaliyeed iyo gaar ahaan kuwa Puntland.

Wuxuu sheegay Cabdirashiid in ururkiisu gogol dhig u yahay hormarka, nabadda iyo amniga, isagoo ku sheegay jeedka ay u sameeyeen inuu yahay sidii looga gudbi lahaa nidaamka qabaliga ah oo lagu caano maalayay 19 sano.

Wasiirka Warfaafinta,Hiddaha iyo Dhaqanka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo ka hadlay madasha shirka ayaa sheegay inay ka wada shaqeyn doonaan guddiga doorashada Puntland sidii loo badin lahaa wacyigalinta, wuxuuna shacabka uga digay ku dhaqanka nidaamka ku salaysan qabaliga, Isagoona ugu baaqay inay u guuraan nidaamka asxaabta badan oo uu rajo ka muujiyay Wasiir Qarjab.

Kulamada noocaan ah ayaa qorshuhu yahay inay sii wadaan guddiga doorashooyinka Kumeelgaarka ee Puntland oo lagu wado inay ka qabtaan Gobolladda iyo Degmooyinka kulamo u dhaxeeya iyaga iyo qeybaha bulshada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST