Puntland oo xoriyadooda u celisay 12 qof oo ku eedeysnaa Alshabab

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa sheegay in xoriyooda loo celiyay 12 ka mid ahaa 14 qof oo ku eedeysnaa Alshabab ka dib markii uu sheegay inay ahaayeen Tahriibayaal, wallow labo qof oo ka mid ahaa dadka xoriyadooda loo celiyay Maxkamadu ku xukuntay ganaax ka dib markey sheegtay inay ka ganacsadaan Tahriibta.

Eedeysanayaashan oo la horkeenay Maxkamada Garowe ayuu sheegay Xeer ilaaliye Maxamuud Xasan inay ka yimaadeen Koonfurta Soomaaliya, waxaana ku jira labo qof oo dumar ah oo uu sheegay inay doonayeen sidii ay uga tahriibi lahaayeen Bosaso.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland wuxuu sheegay inay Maxkamadu ku amartay Hay,addaha Amniga in dib loogu celiyo dadka xoriyadooda helay meelihii ay horey uga yimaadeen, Isagoona ku sheegay ganaaxa labada qof  lacag gaareysa 8 boqol oo dollar oo midkiiba laga rabo 4 boqol oo dollar.

Ciidamada Amaanka Puntland ayaa hawlgal  July 11, 2017 kusoo qabtay 14-ka Eedeysane oo maxkamadu maanta xukuntay xilli ay ku safrayeen gaari nooca raaxada ah baadiye ku yaala bariga Gobolka Nugaal.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST