Garowe:-Issimada Nugaal oo soo faragaliyay kacdoon ka dhashay wareejinta Beerta Gobolka

Waxaa maanta dib looga rarey dhagax lagu soo daad gureeyay maalmihii u dambeeyay beerta aan weli loo magac bixin ee ku hortaala dhismaha guriga Gobolka Nugaal ka dib markii uu kacdoon shacab ka dhashay warar sheegayay in ganacsato lagu wareejiyay goobtaas.

Inkastoo aan faahfaahin laga hayn xal u helista kacdoonkii ka dhashay beerta guriga Gobolka Nugaal ayaa haddana warar madax banaan oo soo baxaya sheegayaan inay ka dambeeyeen rarista dhagaxii iyo ciiddii lasoo tuumay hareeraha beerta Issimada Gobolka Nugaal ka dib markii ay soo faragaliyeen arrintaan.

Wararka soo gaaraya warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegaya inay dad shacab ah ishortaageen dhisme maalmo ka hor la doonayay in laga bilaabo goobtaas  xilli aanu jirin heshiis lasoo bandhigay oo qeexaya ama tafaasiil ka bixinaya qaabka loogu wareejiyay hanti ummadda ka dhaxaysa shaqsiyaad ganacsato ah.

Ilaa iyo hadda maamulka Degmada Garowe kama uusan hadal wararka sheegaya in koox ganacsato ah lagu wareejiyay dhulka beerta Gobolka Nugaal oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay maamulku gacanta ku hayay ka dib markii horey looga qaaday dad shacab ah oo ku habsaday dhulkaas.

Maalintii shalay ayay ahayd markii Xildhibaano ka tirsan Gollaha Deegaanka Degmada Garowe iyo Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Nugaal ay si cad u sheegeen inaysan waxba kala socon heshiiska lagu wareejiyay beerta aan wali loo magac bixin.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST