Dagaalka u dhexeeya Oromada iyo Somalida oo weli socda iyo dhimashada oo gaartay 50 qof

Dalka Ethiopia waxaa toddobaad in ka badan ka socda dagaal u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada, kaasoo la sheegayo inuu ka bilawday kadib markii dad Soomaali ah lagu dilay deegaano xuduuda labada maamul ee ku yaalla Ethiopia.

Dagaalka oo socday maalmihii la soo dhaafay ayaa ku fiday tuulooyin ka tirsan dhulka xuduuda ah ee ay leeyihiin labada maamul deegaan ee ay kala xukumaan Oromada iyo Soomaalida.

Geerida ayaa warbaahinta gudaha heshay waxay gaartay illaa 50, iyadoo dadka ay bilaabeen inay ka barakacaan deegaanada ay colaadu saameysay.

Sarkaal Dowlada Ethiopia ka tirsan ayaa sheegay in illaa 50, kun ruux ay ku barakeceen colaadan maalmihii u danbeeyay.

Labada maamul ee Dowlada Deegaanka Soomaalida iyo Oromada ayaa midba dhanka kale ku eedeeyay inuu masuul ka yahay weerar lagu soo qaaday dadweynaha.

Oromada ayaa ku eedeysay maamulka Jigjiga inuu ciidanka Liyu Booliska u adeegsaday dilka dad Oromo ah iyadoo ujeedadu tahay in Oromada laga barakiciyo dhulkooda, sida uu sheegay afhayeen u hadlay maamulka Oromada.

Hase ahaatee maamulka DDSI ayaa ku tilmaamay eedeynta Oromada mid aan waxba ka jirin, isla markaana ciidanka Oromada ay iyagu beegsadeen dad Soomaaliyeed oo dhex deganaa Oromada. Waxayna DDSI sheegtay in sharciga lala tiigsan doono kuwii falkaasi geystay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST