Ciidamada Amaanka Bosaso oo fashaliyey qaraxyo lagu aasay Bartamaha Suuqa

Bosaso-[Puntland Post] Ciidamada Amniga ee magaalada Boosaaso ee Xarunta gobalka Bari ayaa fashiliyey miino lagu aasay agagaarka xarunta dawladda Hoose ee Boosaaso.

Ciidamada ayaa fashiliyey miinadan oo aan wax khasaare ah geysan, waxayna qarxiyeen miinada oo ay si farsameysan ugu guuleysteen saarideeda.

Laamaha Amniga ayaa sheegay in ay ku timid fashilintan xogo ay heleen iyo iska warqabka shacabka iyo ciidamada Amaanka Boosaaso.

Goobta lagu qarxiyey Miinooyinkan ayaa xiran, hadda, sarkaal sare oo ka tirasan Ciidamada dawlada ayaa Puntland Post u xaqijiyey in wali laga cabsi qabo miinooyin kale in ay ku aasan yihiin goobta, lakiin waxa uu tilamamay in ku raad joogaan ciidamo u tababaran fashalinta miinooyinka .

Miinadan halka lagu aasay ayaa ah goob mashquul ah, waxaana haddii ay qarxi lahayd ay geysan lahayd khasaare fara badan, maadaama goobtaas ay tahay meel magaalada dhexdeeda ah.

Wixii soo kordha la soco Puntland Post insha allah

Cabdiqani Boos

Puntland Post