Degmada Dongoroyo oo laga bilaabay olole nadaafadeed oo soconaya 7 cisho

Dowlada hoose ee Degmada Dongoroyo Gobolka Nugaal ayaa maanta bilowday olole lagu-la dagaalamayo bacda iyo guud ahaan qashinka daadsan hareeraha magaalada iyo Barkadaha biyaha ay ka cabaan dadka halkaas ku nool  ka dib markii uu ku dhawaaqay maamulka Dowlada hoose olole nadaafadeed oo lagaga hortagayo cudurada ka dhasha xilli roobaadka.

Xoghayaha Dowlada hoose Dongoroyo Cabdulqaadir Abshir Muuse Gurey ayaa u sheegay PUNTLAND POST inuu muddo todobo cisho oo xiriir ah socon doono ololahani, waxaana ka qeybqaadanaya Ardeyda, Ururada haweenka iyo Hay,adda daryeelka Nadaafadda magaalada ee SAYFAR.

Cabdulqaadir Abshir Muuse ayaa sheegay inuu noqonayo ololahani midkii 2aad islamarkaana uu maanta ka bilowday Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal.

Daawo Sawiro

PUNTLAND POST