Xafiiska Baarista Badeecadaha Puntland soo galaya oo lag Daah-furay Dekada Boosaso

 

Dekedda magaalada Bosaso ayaa si toos ah looga daah-furay  xafiiska taya dhowrka Badeecada soo gala dalka iyo kuwa ka dhoofaba .

Daah-furka xafiiskan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland ayaa waxaa daah-furay wasiirka dekedaha iyo gaadsiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay agaasimaha waaxda taya dhowrka Puntland ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Mudane Salaad Sadan Maxamed waxaana uu sheegay ganacsatada wax la soo degaysa iyo kuwa dhoofinaya ay iska ilaaliyaan in ay dalka keenaan alaab dhacday ayna ka dhoofiyaan.

Wasiir kuxigeenka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha Puntland oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in mudo 19 sano kadib in Puntland ay  qalab casri ah oo lagu baaro tayada  badeecadaha dhacay ee dalka soogala keento .

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheeegay in kuwaalati kantaroolka ama taya dhawrka badeecadaha ay yihiin qayb ka mid ah caafimaadka dadka in la ilaayo faa’ iidooyinka badan ay ku jiraan.

Xafiiska baarista Badeecadaha soo galaya Puntland QUALITY CONTROL waxa 2-8 2017 si rasmi ah xariga uga jaray Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyadoona loogu tala galaya baarista badeecadaha soo galaya Puntland si loo ogado tayada badeecada dalka soo galeysa.