Dabley hubaysan oo dhaawacay taliyaha ciidanka Maxkamada Bosaso

Bosaso-[Puntland Post]-Dabley hubaysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa goordhawayd salaadii maqrib ka dib ku dhaawacay meel aan sidaas uga fogeyn dhismaha maxkamada darajada 1aad ee Bosaso Taliyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Gobolka Bari Maxamed Cali Saleeban .

Sarkaal ka tirsan ciidanka Dowlada Puntland ayaa u xaqiijiyay warbaahinta PUNTLAND POST dhaawaca taliye Maxamed Cali wuxuuna sheegay isla durbadiiba inay goobta ka baxsadeen kooxdii dhaawaca u geystay Taliyaha ilaalada Maxkamada Bosaso.

Dhaawaca Taliye Maxamed Cali Saleebaan ayaa lagu dabiibayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Bosaso, waxaana wararku sheegayaan inay wanaagsan tahay xaaladiisa caafimaad.

Ma jirto masuul ka tirsan Dowlada Puntland oo ka hadlay weerarka loo geystay sarkaal ka tirsan ciidanka booliska Puntland, wallow ciidamo ka tirsan kuwa amaanka ay durba baaritaano ka bilaabeen goobtii lagu dhaawacay Taliyaha.

Kala soco PUNTLAND POST faahfaahin dheeriya.

Cabdiqani Boos

Puntland Post