Garowe oo lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayo xal u helida Abaaraha.

Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ee Dowlada Puntland oo kaashanaysa dalladda SomRep oo ay ku bahoobeyn hay,addo ka shaqeeya kasoo kabashada Abaaraha ayaa maanta galinkii dambe kusoo gabagabaysay magaalada Garowe shir looga hadlayay qorshe u samaynta Abaaraha  soo noqnoqda.

Shirkaan oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday xarunta Hay,adda Cilmi baarista PDRC ee magaalada Garowe waxaa kasoo qeybgalay xubnaha ugu sareeya Dalladda SOMREP, Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta, Saraakiil ka socotay Wasaaradaha Dowlada Puntland,Cilmi baarayaal,iyo Dhalinyaro.

Maxamed Axmed Cali (Geelmadhalin) oo ah Taliye sare Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland oo ka warbixiyay shirkaan maanta soo xirmay wuxuu sheegay in lagu ogaaday falanqeyntii shirka tiro kor u dhaafaysa 35,000 oo qoys oo ku nool deegaanada Puntland inay saamaysay abaartii SIMA islamarkaana ay baabe,een dhamaan xoolihii ay haysteen qoysaskaasi.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Mr Geelle in dhamaan qoysaska ku barakacay abaarta SIMA ay kusoo xeroodeen magaalooyinka Puntland kuwaas oo uu sheegay inaysan ku haysan wax daryeel ah oo dhinaca caafimaadka, waxbarashada iyo nolosha asaasiga ah.

Maxamed Axmed Cali wuxuu sheegay in lagu go,aamiyay shirka galabta lagu soo gabagabeeyay Garowe sidii ceelal biyood looga samayn lahaa deegaanada ay abaartu ku dhufatay si loo badbaadiyo dadka iyo inta ka harsan xoolaha.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST