Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo goor dhow ka dhacay Beledweyn

Beledweyn-[Puntland Post] Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo qaraxan uu geystay qof jaakadaha qarxa xirnaa oo isku qarxiyay afaafka hore ee xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.

Maqaayad shaah oo ku taala afaafka hore ee xarunta Gobalka Hiiraan oo ay fadhiyeen dad shacab ah ayaa la sheegay in uu qaraxa xoogiisu uu ka dhacay, waxaan la sheegay in dhaawac iyo dhimasho intuba ay jiraan in kastoo oo aan la ogeen khasaraha dhabta ah.

Qaraxan ismiidaaminta ayaa ah kii labaad uu fuliyo qof xiran jaakadaha qarxa maalmo gudahood, iyadoo jimcihii la soo dhaafay uu qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay meel maqaaxi ah oo ku taal magaalada Baydhabo, halkaasoo ay ku dhinteen illaa afar ruux.

Lasoco Puntland Post wixii soo kordha insh allah

Cabdiqani Boos 

Puntland Post